Raysal Wasaare Xamse iyo Wafdi uu Hogaaminayo u Ambabaxy dalka Maraykanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York oo ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta QM wuxuu kulamo kal duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay; iyo sidoo kale madax ka tirsan dowladda Maraykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida; dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka.

Related posts

Midawga Musharaxiinta Oo Shaaciyay In Farmaajo Aysan U Aqoonsaneyn Madaxweyne

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Somaliland Oo Sheegay In Ay Qaadi Doonaan Weerar Qorshaysan Ka Dib Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Duleedka Laascaanood

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Codsi U Jeedisay Dowlada Tanzania Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More