Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa amarro cusub dul dhigay dhammaan guddiyada Iskaashatooyinka Kalluumeysiga gobolka Banaadir, milkiilayaasha Doomaha iyo Naaquudayaasha.
Amarkaan ka soo baxay Ciidamada Booliska ayaa ka kooban lix qodob, kaas oo isugu jira habka hubinta doomaha, iyada oo doomaha laga mamnuucay in ay maraan xeendaabka biyaha u dhow Ankarka Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha.
Amarka ka soo baxay Ciidanka Booliska ayaa qornaa sida tan:-
Doomaha ka baxaayo Marsooyinka u dhexeeya Jaziira, Bateero ilaa Liido in ay maraan Barta Hubinta ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska u cayiman.
Doomaha ku soo xiranaayo Marsooyinka u dhexeeya Jaziira, Bateero ilaa Liido waa in ay maraan Barta Hubinta Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska u cayiman.
Dhammaan Milkiilayaasha Doomaha in ay si taxadar iyo foojignaan ooleh ula socdaan dhaqdhaqaaqa Doomahooda iyo Cidda Mas’uulka uga ah.
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan Kalluumeysatada in la mamnuucay bixidda ama soo gelidda Marsooyinka u dhexeeya Jaziira, Bateero ilaa Liido wixii ka dambeeya 18:00 Galabnimo ama 06:00 Pm.
Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan Naaquudayaasha Doomaha in laga mamnuucay marinka xeendaabka biyaha u dhow Ankarka Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha.
Fulinta Amarada Sare ku xusan waa waajib sharci ah oo saaran qofwalba oo muwaadin Soomaali ah kana shaqeeysto biyaha Badda Soomaaliya.