Maxay Yihiin Saddexda Dalab Ee Uu Dunida Hordhigay Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan Magaalada New York ee dalka Mareykank, halkaas uu uga qeyb galaya shirka Qaramada Midoobay ayaa codsi u dirsaday dunida, isaga oo sheegay in uu kulamo la qaadan doono Saaxiibada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay ku jirto dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, isaga oo ka codsaday dunida in ay u dhisaan Ciidan tayo leh kuwaas oo amniga dalka kala wareegaya Ciidama ATMIS,

“Waxa aan dhisaynaa Ciidan oo tiro iyo tayo u baahan, dunida waxa aan ka codsaneynaa in Ciidanka naloola dhiso; si Ciidankaas uu u noqdo Ciidankii la wareegi lahaa amniga dalka kaddib marka ay baxaan Ciidama ATMIS,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa codsi ku saabsan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta u gudbisaday dunida, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku raagtay cunaqabateynta saaran taas oo saaran tan iyo 1992-kii.

Ra’iisul Wasaaraha oo arintaan ka hadlaya waxa uu yiri, “waxa aan rabnaa in nalaga qaado cunaqabateynta hubka ee muddada dheer na saarneed, oo 1992-dii la saaray, cunaqabateyntii ugu badneed ee dal la saaro, taas dunida ayaan ka codsaneyaa.”

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dunida ka codsaday dhameestirka deynta lagu leeyahay Soomaaliya, taas uu sheegay in dhammaadka sanadka 2023-ka la filayo in Soomaaliya in laga cafiya deynta.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wefdi uu hoggamainayo ayaa ku sugan magaalada New York, isaga oo halkaas uga qeybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Ka Sheekayay Qiso Ku Dhacday Isaga Qaxoonti Ku Ah Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Askari Katirsan Ciidanka Deegaanka Gubadleey Oo Lacag Ka Yar 1dolar u Dilay Wiil Ganacsade Ahaa.

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Federaalka Oo Kordhisay Xidhnaashaha Goobaha Waxbarashada Dalka Iyo Mudada Lagu Kordhiyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More