Gooni u Goosatada Nagorno Karabakh Oo Isu Dhiibay Dowlada Azerbaijan

Dowladda Azerbaijan iyo wakiillo ka socda qowmiyadda Armenian-ka ah ee gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno Karabakh ayaa lagu wadaa in maanta uu wadahadal toos ah uga billowdo magaalada Yevlakh ee Azerbaijan.

Wadahadalka ayaa ku saabsan sida gobolkaasi oo muddo gooni u goosad u halgamayey uu ugu mid noqon karo dalka Azerbaijan oo sharic ahaan uu ka tirsan yahay.

Labada dhinac ayaa heshiis xabad joojin ah waxaa Arbacadii dhex dhigay ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ee gobolkaas ku sugan, waxaana uu heshiisku dhigayaa in hubka laga dhigo ciidamada gooni u goosadka ah ee ka soo jeeda qowmiyadda Armeeniyaanka ah ee u badan gobolka, iyo in ciidamada dalka deriska ah ee Armenia ay aaggaasi faaruqiyaan.

Golaha Ammaanka ayaa maanta kulan degdeg ah ka yeelanaya xaaladda gobolka Nagorno-Karabakh.

Haddaba, ma laga yaabaa in wadahadalkan uu soo afjaro dadaalkii gooni u goosadka qowmiyadda Armeeniyaanka ah ee gobolka u badan? Muxuuse noqon karaa waxa lagu qancinayo si ay uga haraan in ay ka go’aan Azerbaijan, islamarkaana ay dhabarka u jeediyaan dalka Armenia oo muddo gobolkan sheeganayay taageerana siinayay fallaagada?

Arrimahan ayuu Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ka wareystay Maxamed Nuur Qalimow oo ah falanqeeye siyaasadeed oo deggan UK.

 

Related posts

Daawo:- Dood Kulul Oo Ku Saabsan Loo Lanka Shir Gudoonka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Borama Oo Markii Ugu Horaysay Yeelanaysa Qabla Lagu Dhiso Doona Wadooyinka Magaalada

Bnnstaff Bnnstaff

Afhayeenada Xisbiyada Kulmiye Wadani Iyo Ucid Oo Weerar Afka Ah Iswaydaarsaday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More