Boqortooyada Sacuudiga Oo Beenisay In Ay Joogsadeen Wadahallo Iyaga Iyo Israa’iil u Dhaxeeya

Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa wareysi uu bixiyay, oo qaybo ka mid ah la sii daayay Arbacadii, ku sheegay in Boqortooyada ay “horumar ka sameyneyso” sidii ay dib ugu soo celin laheed xiriirkii kala dhaxeyay Israa’iil.

Maxamed Bin Salmaan ayaa u sheegay Fox News, in Sacuudiga iyo Israa’iil ay maalin walba sameynayaan isku soo dhawaansho ah hagaajinta xiriirka ka dhaxeeya.

Waxa uu intaa ku daray oo waraysiga uu ku sheegay: “Annaga, arrinta Falastiin waa mid aad muhiim noogu ah, waa inaan xalinnaa.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu magaalada New York kula kulmay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.

Amiirka dhaxalsugaha ah ayaa carabka ku adkeeyay in “wadaxaajoodyadu ay si wanaagsan u socdaan ilaa hadda.”

Bin Salmaan ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta oo sheegayay in la “hakiyay” wada-hadallada Sacuudiga iyo Israa’iil.

Waxa uu yiri: “Waxaan rajeyneynaa in ay horseedi doonto natiijo u sahlaysa nolosha falastiiniyiinta, una ogolaato Israa’iil inay door ku yeelato bariga dhexe.”

Israa’iil waxay caadi ka dhigtay xiriirkii kala dhaxeeyay shan waddan oo Carbeed oo kala ah Masar, Urdun, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, iyo Marooko.

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Magacaabay Gudiyo Qabanqaabin Doona Banaanbaxa Iyo Gudi Baadhitaan Ku Samayn Doonta Arintii 19kii febraayo

Bnnstaff Bnnstaff

“Saylici Maaha Ninkii Qaran Ka Sheekayn Lahaa Taladiisu Ma Dhaafsiisna Gurigiisa Dhulbahantena” Siyaasi Jaamac Shabeel

Bnnstaff Bnnstaff

Tallaal lagaga Hortagayo Feyraska Corona Oo Tijaabadiisa 95% Lagu Guuleystay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More