Dowlada Kenya Oo Mar Ku Bixisay In Si Toos Ah Toogasho Loogu Dilo Burcada Xoolaha Nool Dhacda

Wasiirka amniga Kenya, Kithure Kindiki, ayaa soo saaray amar toogashooolagu dilayo dambiilayaasha bartilmaameedsada saraakiisha sharciga ee ku sugan waqooyi-galbeed ee dalkaasi.

Kithure Kindiki ayaa ku celiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in ay nidaam ku soo dabaalaan qeybo ka mid ah gobolka Rift Valley ee xuduudka la leh Koonfurta Suudaan.

Amarka ayaa la bixiyay maalin kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku dileen saddex qof.

Muddo sanado ah, weerarrada burcadda iyo dhaca lo’da ayaa sabab u ahaa xasillooni darrada waqooyi-galbeed ee Kenya.

Horaantii sanadkan, ciidanka ayaa loo diray deegaanka si ay wax uga qabtaan shabakadaha dambiilayaasha ee xuduudka isaga gudba ka dib markii dhowr qof lagu dilay xoolona laga dhacay.

Related posts

Raysal Wasaaraha Dalka Paskistan Oo Baaqasho Ku Tegaya Dalka Sucuudiga Iyo Ujeedada Booqashadaasi

Dab Xoogan Oo Ka Kacay Kaam Ku Yaala Duleedka Magaalada Caabudwaaq Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Abwaan Laabsaalax Oo Ka Dareen Celiyay Guusha Uu Ka Gaadhay Ee Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More