Hay’adda Lacagta Aduunka Oo War ‘Farxad Leh’ Kasoo Saartay Deyn Cafinta Soomaaliya

Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF ayaa warbixin ay kasoo saartay deyn cafinta Soomaaliya iyo halka ay wax marayaan ku sheegtay, in deynta Soomaaliya lagu lahaa ay kasoo haraysa oo kaliya $600 milyan oo doolar laba bilood ka dib, halka awal ay ka ahayd $5.2 bilyan oo doolar.

“Madaxda Soomaaliya waxay sii wadeen inay horumariyaan si ay u buuxiyaan shuruudaha lagu gaarayo Heerka Dhameystirka HIPC oo ah barnaamijka deyncafinta (dalalka saaboolka ah ee ay deyntu la degtay) bisha Diseembar ee 2023, markaas oo deynta dibadda looga leeyahay Soomaaliya lagusoo koobi doono wax ka yar $ 600 milyan oo doolar marka la eego qiimaha saafiga ah oo dhamaadka sannadkii 2018 ahaa $ 5.2 bilyan oo doolar.” Ayaa lagu yiri warbixinta.

Soomaaliya ayaa ku dedaalaysay inay buuxiso shuruudaha deyn cafinta tan iyo markaas, waxaana dhowr jeer laga cafiyey deymo kala duwan oo ay ku lahaayeen qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Talaabadan ayaa horumar weyn u ah Soomaaliya maadaama ay u hor seedayso inay soo deynsato lacago ay ku fuliso hawlaheeda dawladnimo.

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Kormeer Ku Tegay Xarunta Kaydka Taariikhaha Iyo Taalada Diyaarada

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Fasaxaya In Dalkiisa Laga Soo Saaro 15 Milyan Oo Foosto Oo Shidaala, Isagoo Ka Jawaabaya Go’aankii OPEC

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Ku Dhawaaqay Weerar Culus Ka Dhan Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More