Borama News Network

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Xujeyda sanadkaan uga geeritootay Xajka

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan ku geeriyootay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ka mid ahaa Xujeyda sanadkaan.

Xafiiska Arrimaha Xajka Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Lix Xaaji ay ku geeriyootay intii lagu guda jiray gudashada Waajibaadka Xajka, xilli guud ahaan Xujeyda ku geeriyootay Xajka ay gaareysa 500 oo Xaaji sida lagu sheegay xafiiska warbaahinta ee Xarameynka.

Madaxa Xafiiska Dr Khadar Daahir oo warbaahinta kula hadlay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed geeriyootay ay kala ahaayeen saddex rag ah iyo saddex dumar ah, kuwaas oo laba ka mid ah geeriyooday ka hor inta aan la bilaabin acmaasha Xajka.

Geerida Xujeyda sanadkaan ayaa lagu sababeeyey kuleelka ka jira magaalooyinka Makka iyo Madiina oo kor u dhaafaya 40⁰, taas oo keentay isbadalka cimillada in ay saameen ku yeelato Xujeyda.

Related posts

DEG DEG:- Waxgaradka iyo Cuqaasha Beelaha Habar Cafaan oo habaaray Qofka ka leexda

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Itoobiya Oo Markii Ugu Horaysay Soo Saaraysa Baabuur Ku Shaqayn Doonta Korontada

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Uk Oo Shaacisay In Ay Ciidamo U Dirayso Dalka Ukraine

Abdiaziz Bnnstaff