Dad Badan Oo ku Dhintay Rabshado ka Socda Uganda Iyo Milatari la Wareegay Amaanka.

Ciidamada Uganda ayaa la geeyay waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala iyo magaalooyin waaweyn si ay uga hortaggaan dibadbaxyada ka dhashay markii la xiray musharraxa doorashada madaxtinimada Uganada Bobi Wine.

Uganda waxaa la filayaa inay ka qabsoonto doorashada bisha Jannaayo ee sanadka 2021-ka, balse ololaha doorashada waxaa harreeyay rabshado.

Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhimatay guud ahaan dalkaas halka in ka badan 500 la xiray kaddib dibadbaxyadii halkaas ka dhacay, sida ay sheegeen booliska.

Ku xigeenka taliyaha militeriga Colonel Deo Akiiki ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo fara badan loo daabulayo dhammaan waddooyinka waaweyn ee galo caasimadda.

Sidoo kale ciidamada waxaa la geyn doonaan goobaha laga cabsi qabo in amni darro ay ka dhacaan sida kaalmaha shidaalka iyo goobo kale.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Taliye Ku Xigeenkii Dabdamiska Oo Ka Tegay Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Mursal Oo Xukuumada Raysal Wasaare Rooble Ugu Baaqay In Ay Ka Shaqayso Qabsoomida Doorashada

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Xaalad Deg Deg Ah Oo Ku Saabsan Ayaxa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More