Bolooliska Itoobiya Oo Shaaciyay In Ay Gacanta Ku Dhigeen Hub Sharici Daro Ah

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Baaritaano ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada ayey sheegeen in 113, isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay.

Sidoo kale booliska waxa ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Booliska ma sheegin dad ay soo qabteen oo arintan lala xiriirinayo inta ay ku guda jireen howlgalka qorsheysan ee hubka lagu soo helay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Beenisay In Ay Kenya Kala Hadashay Xayiraada Qaadka

Bnnstaff Bnnstaff

Roobab Khasaaro Geystay Oo ka Da’ay Deegaano ka Tirsan Gobolka Sool

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Maamulada Punland Iyo Jubaland Oo Arimo Xasaasiya Kala Hadlay Beesha Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More