Borama News Network

Tirada Dadka Ku Dhintay Xajka Oo La Shaaciyay In Ay Kor Dhaafeen Kun Qof Imisa Qof Ayaana Somali Ah?

Tirada dadka ku dhintay xajka sanadkan ayaa kor u dhaaftay 1,000 qof, sida ay wakaaladda wararka ee AFP sheegtay Khamiistii, ayada in ka badan kala bar ay yihiin dad aan diiwaangashanayn oo aan wadan ruqsadii xajka.

Dhimashada cusub ee la soo sheegay waxaa ka mid ah 658 qof oo ka soo jeeda Masar, sida uu sheegay diblomaasi Carab ah, kaasi oo sheegay in 658 Masaari ah oo dhintay, ay 630 ka mid ah ay ahaayeen xujaaj aan diiwaangashanayn.

Dadka guud ahaan ku dhintey sannadkan Xajka ayaa ka soo kala jeeda 10 waddan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 6 ka mid ah Xujeyda Soomaalidu ay sannadkan xajka ku dhinteen.

Tirakoobku ayaa lagu ogaadey hadallo rasmi ah ama diblamaasiyiin ka shaqaynayay jawaabaha dalalkooda.

Xajka, sannadkan ayaa mar kale ku soo beegmey xilli uu kulayl daran ka jiro Sacuudiga.

Xarunta qaran ee saadaasha hawada ayaa sheegtay in kuleylku ka kor mari doono 51.8 cabirka kuleylka toddobaadkan masaajidka weyn ee Mecca.

Sannad kasta tobanaan kun oo xujey ah ayaa isku daya inay xajka ku gutaan iyagoon diiwangashaneyn, maadaama aanay awoodin inay iska bixiyaan ruqsadaha rasmiga.

Maamulka Sacuudiga ayaa sheegay in boqolaal kun oo xujey ah oo aan diiwaangashaneyn ay ka nadiifiyeen magaalada Makka bishan, laakiin waxay u muuqataa in qaar badan ay wali ka qeybqaateen cibaado xajka oo soo bilaabatey jimcihii lasoo dhaafay

Related posts

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Gaadhay Degmada Oog Daawooyin Kala Duwana Gaadhsiiyay Ciidanka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Shiinaha oo sheegay in Taiwan weligeed noqon doonin dal ka madax bannaan

Abdiaziz Bnnstaff

Xadhiga ina dool ma raadin xilna igama saarna ileen ma dhaline, waddani Deegaanka Aan kasoo jeedana” Siyaasi Ibraahim Caydiid

Abdiaziz Bnnstaff