Guddi Loo Magacaabay Xalinta Colaada Dhiiga Badan Ku Daatay Gobolka Tigreyga

Madaxweynaha koonfur afrika Cyril Ramaphosa oo ah hoggaamiyaha Ururka Midowga Afrika ayaa 3 xubnood u magacaabay in ay wada hadal ay ku dhameeyaan dagaalka ka socda waqooyiga itoobiya.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweyne ka soo noqotay Liberia,Joaquim Chissano, madaxweynahii hore ee Mozambique iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynahii hore ee South Africa.
Shaqda ugu horeysa ee ergadan ayaa ah in dhamaan dhinacyada ishaya ay qeyb ka noqdaan aragtida dhameynta qilaafka lana abuuro jawi wadahadal qaran oo loo dhan yahay si loo xalliyo dhamaan arrimaha keenay isku dhaca, iyo soo celinta nabadda iyo xasiloonida Itoobiya ayuu yiri Cyril Ramaphosa.

Arintan ayaa timi kadib markii Madaxweynaha Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde ay booqatay koonfur afrika halkaasi oo ay wada hadal kula yeelatay Madaxweyne Cyril Ramaphosa

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Reer Awdal Oo Ka Dareeray Golaha Wakiilada

Bnnstaff Bnnstaff

Hay’adda Human Rights Watch Oo War Ka Soo Saartay Xaaladda Ka Aloosan Gobolka Tigreega Ee Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Abiy Axmed Oo Ka Hadlay Xasuuq La Sheegay In Uu Ka Dhacay Gobolka Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More