Shir Magaalada Muqdisho Uga Furmay Hogaamiyayaasha Mucaaridka Iyo Arimaha Laga Hadlayo

Hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa maanta lagu waddaa in uu Muqdisho uga furmo Shir ku saabsan Arrimaha doorashooyinka iyo sidoo kale dooda ay ka qabaan guddiga doorashooyinka dadban oo in badan oo ka mid ah ay kasoo horjeesteen.

Shirkan ayaa socon doona Saddex berri waxaa ka mid ah qodobada looga hadlaayo sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Hoggaamiyeyaasha Shirkaan ka qeyb gali doonna waxaa ka mid ah:

Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran Daahir Maxamuud Geelle

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

Labadii Madaxweyne ee hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble.

Inta badan hoggaamiyeyaasha Mucaaraadka ah ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka, waxaana ay sheegeen in hanaan qaldan ay ku socoto doorashooyinka Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gudoomiyaha Cusub Ee Midawga Africa Ee Sanadlaha Ah Oo Raadinaya Xal U Helida Khilaafka Wabiga Nile Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Madaxda Maamulo Ay Xasaradi Ka Jiraan

Bnnstaff Bnnstaff

” Wasiir Saajin Intuu Murashaxiinta Xidhaxidhayo Muxuu Sheekh Xasan Deheeye U Qaban Waayay” Faysal Cali Waraabe

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More