Gudoomiye Cabdi Xaashi Oo Magacaabay Guddiga Doorashada Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhameystiray Guddiga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu ku dhameystiray Guddiga Doorashada ee Xildhibaanada Somaliland oo ka kooban 8-xubnood, isagoo horena u magacaabay Afartii xubnood ee heer Federal ee Doorashada iyo Khilaafaadka.

Sidoo kale Wareegtada Cabdi Xaashi ayaa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble lagu faray in xubnaha Maanta la magacaabay iyo afartii horeyba lagu daro Guddiyada Doorashooyinka 2020/2021 ay dowladda Federaalka magacaawday.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa horey uga soo horjeestay Guddiyada Doorashada heer Federaalka iyo kuwa maamulaya Doorashada Xildhibaanada ka imaanaya Somaliland, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble.
Khamiistii lasoo dhaafay Cabdi Xaashi Cabdullaahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka ayaa soo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi (Somaliland).

Related posts

Israa’iil Oo Duqeyn La Beegsatay Buuro Ay Ku Dhow Yihiin Goobo Muhiim Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Gantaalada S-400 Ma Ka Hortegi Karaan Gantaalaha Maraykanka Ee Tomahawk Iyo Macluumaad Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Wax Ka Ogaw Ninka Guursaday 60ka Haweenka Ah Laayayna Dadka Tirada Badan Iyo Sidii Loo Soo Afjaray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More