Gudoomiyaha Aqalka Sare Iyo Cabdikariin Guuleed Oo Kulan Xasaasiya Ku Yeeshay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda kulamo siyaasadeed oo u dhaxeeya Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya & Xubno ka tirsan Dowladda, kulamadaas oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha xisbiga Sahan Cabdikariim Xussein Guuleed , iyaga oo ka wada hadlay Arrimo ku saabsan xaalada.
Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagusoo xulo hannaan lagu wada qanacsan yahay.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo.

Guddoomiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxaabiis Tiro Badan Oo Ka Baxsatay Xabsi Ku Yaalay Waqooyiga Dalka Uganda

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Ka Hadlay Ciyaartii Shalay Iyo Go’aamadii Laga Soo Saaray

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Dad Faafinayay Diinta Kistaanka Iyo Shixnad Maandooriye Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More