Borama News Network

Ugu yaraan 15 ruux oo Xannuunka Jadeecada ugu geeriyootay Gobolka Amxaarada

Gobolka Amxaarada gaar ahaan Wagihimra waxaa laga diiwaangeliyay geeriyda ugu yaraan 15 ruux oo carruur u badan kuwaas oo sababsaday xannuunka Jadeecada & cunto la’aanta adag ee halkaas ka jirta sida uu sheegay madaxa Caafimaadka Magaaladaas oo Warbaahinta la hadlay.

Dadka dhintay waxaa suuragal ah in ay kasii kordhaan tirada diiwaanka lagu hayo maadaama deegaannada qaar weli laga soo warinayo kiisas culus oo aan haysan Dadku daryeel degdeg ah iyo caawinaadda buuxda ay u baahan yihiin.

Assefa Negash oo ah Madaxa Caafimaadka ee Wagihimra oo la hadlay Addis Standard ayaa sheegay in qiyaastii 1,800 oo ruux ay la ildaran yihiin xannuunka Jadeecada iyaga kala kiisas culus una baahan yihiin daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Waxa uu sheegay in colaadda ka jirta halkaas ay sababtay cuduro badan oo halis ah sida Duumada (Malaria), Daacuun (Cholera), Jadeeco (Measles) iyo xannuuno kale oo dhammaantood halis ku ah Dadka.

Xukuumadda Abiy Ahmed ayaa dhaliisha ugu badan ee dayaca Dadkaas dusha laga saaray maadaama ay ku mashquushay sidii ay xoojin lahayd colaadda kala dhaxeysa ismaamullada diidan sida uu wax u maamulayo hoggaamiyaan.

Hay’adaha sheegta in ay u doodaan Xuquuqda Aadanaha ayaa walaac ka muujiyay xaaladaha Caafimaad darro iyo cudurrada faafa ee kusoo kordhay Goobaha ay saamaynta taban ku reebeen Colaadaha ka jira Dalka Itoobiya.

Related posts

Antony Blinken oo ku baaqay xabbad-joojin ka dhaqan-gasha Magaalada Gaza.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxay Tahay Tallaabada Uu Qaaday Mareykanka Ee Ka Cadheysiisay Shiinaha?

Abdiaziz Bnnstaff

Booliska gobolka Banaadir oo ka hadlay dhallinyaro dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho

Abdiaziz Bnnstaff