Norway Oo Kasoo Horjeesatay Tallaabo Ay Qaaday Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi

Dowladda Norway ayaa kasoo horjeesatay Xukun dil ah oo Soomaaliland ay ku riday Nin heysta dhalashada dalkaas, kaas oo lagu eedeeyay in uu si ula-kac ah u dilay Nin kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Ine Eriksen Søreide oo kulan la qaadatay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Oslo ayaa ka dalbatay in Soomaalilnad ay joojiso fulinta xukunkaas, isla markaana dowladda Norway aysan aqbaleyn
oo Shalay kulan la yeelatay Wakiilka Somaliland u fadhiya magaalada Oslo, ayaa ku wargelisay in aan la aqbali Karin dilkaas, waxaana ay dalbatay in Maamulkiisu aysan fulin Xukunka.

“ Waxaan Somaliland u gudbinay farriin ah in xukunka dilka ah oo ay ku rdeen muwaadinka heysta dhalshada Norway in aysan aqbali Karin, waajibna ay tahay in aan la fulin, sidoo kalena muwaadinkaas uu maro hababka caadiga ah ee Qaanuunka” ayay tiri Wasiir Ine Eriksen Søreide

Soomaaliland ayaan weli ka jawaabin codsiga uga yimid dowladda Norway ee ku aadan in aan la fulin xukun dil ah oo lagu riday Nin da’diisa lagu sheegay 54 sano jir, kaas oo heysta dhalashada dalka Norway loona heysta dilka Nin kale.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dagaal Ka Dhex Qarxay Armenia Iyo Azerbaijan Iyo Turkiga Oo ku Hanjabay Inuu Soo Galayo Dagaalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabis Iyo Xilka Qaadis Sameeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Mooshin Ka Socda Garoowe Iyo Madaxweyne Deni Oo Deg-Deg Kusoo Laabanaya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More