Borama News Network

Dablay Hubaysan oo Macallin Dugsi Qur’aan Iyo Marwadiisa ku dishay Gobolka Galgaduud

Koox hubaysan oo aan la garan ayaa Deegaanka Gorfaale oo u dhaxeeya Cada-xaar & Bulacle Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa ay ku dishay Macallin Dugsi qur’aan iyo marwadiisa oo wada joogay hoygooda.

Dilkaan oo xalay dhacay waxaa goobta ka baxsatay kooxdii dilka gaysatay waxaana markii dambe goobtaas gaaray dadka deegaanka oo kusoo baxay arrintaan kuna wargeliyay Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Weli si dhab ah looma garan cidda ka dambaysay dilkaas balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in uu salka ku hayo Dilalka aanooyinka beelaha oo muddooyinkii dambe ka dhacayay deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud.

Magaca Macallinka waxa ay ilo kala duwan ku sheegeen Macallin Cabdullaahi Cali (Jalaqle), weli ma jiro war kasoo baxay hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug iyo maamulka Gobolka Galgaduud inkasta oo ay socdaan howlgallo la xiriira soo qabashada kooxdaas.

Laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa horay u sheegay in ay gacanta kusoo dhigi doonnaan dadka ku lugta leh dagaal-beeleedyada iyo shakhsiyaadka ka shaqeynaya iska hor keenista beelaha walaalaha ah.

Related posts

“Qoladan Aanu Imika Is Haysanaa Waa Intii Loo Haystay Hantidii U…” Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff

Iran oo cunaqabatayn la saaray ka dib weerar dhinaca Internerka ah oo ay ku qaadeen Maraykanka

Abdiaziz Bnnstaff

Ciidanka Israaiil Oo Duqayn Ka Gaystay Duleedka Magaalada Dimishiq Ee Suuriya.

Abdiaziz Bnnstaff