”Imaaraadku Wuxuu Hubkeenna Usii Gudbiyaa Xooxo Xag-jir ah” Maraykanka Oo Diiddan In UAE Laga Iibiyo Diyaarada F-35

Senatarka Dimoqraadiga, Chris Murphy, ayaa ku dooday in Imaaraadku ay had iyo goorba hubka uu Maraykanku ka iibiyo ay usii gudbiyaan malliishiyaadka xag-jirka ah.

“Imaaraadku waa olog, balse kama dhuuman karno in Imaaraadku ay leeyihiin taariikh ah inay hubkeenna u gudbiyaan malliishiyaad xag-jir ah, isla markaana ay dalalka Libya iyo Yaman kula tunteen Xeerka Caalamiga ah.” ayuu yiri Senatar Murphy oo Twitter adeegsanaya.
Arbacadii, Senatar Robert Menendez oo laga doorto New Jersey, oo ka mid ah Guddiga Xiriirka Caalamiga ah, oo ay wehliyaan Senatarrada, Chris Murphy iyo Rand Paul, ayaa keenay hindise Maamulka Donald Trump ka hor istaagaya inuu UAE ka iibiyo hub ku fadhiya $23 bilyan oo doollar, sida uu qoray Politico.

Waxaa heshiiskan ka mid ah 50 xabbo oo dayuuradaha F-35 ah, kayd gantaalo ah iyo 18 daroon oo casri ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Heshiis Ku Sabasan Nukliyeerka Oo Ay Wada Gaareen Ruushka Iyo Mareykanku

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Bil Ka Hor Loo Magacaabay Dalka Lubnaan Oo Iscasilay Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Xiisada Colaadeed Oo Ka Taagan Deegaano Ka Tirsan Gobolka Sool

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More