Saameynta ka dhalatay Fatahaadda Webiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne Gobolka Hiiraan.

Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa saameyn taban ku reebay Webiga Shabeelle oo karkaarada ku jabsaday kaddib markii uu dhaafay heerkii loogu talagalay in uu biyuhu xakameeyo.

Qoysaskii degenaa Magaaladaas ayaa ka barakacay kolkii ay ka war heleen in uu Webiga Shabeelle soo gaaray sumadda loogu talagalay in lagu garto marka uu fatahaad uu ku sameyn karo Xarunta Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Dadkaas u baahan yihiin gurmad degdeg ah maadaama ay barakaceen iyaga oo ka gacmo maran waxyaabihii ay isticmaali lahaayeen ee lagama-maarmaanka u ah.

Qaar kamid ah Qoysaska ka barakacay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in xili habeen ah ay isaga soo baxeen guryahooda kaddib markii lagu wargeliyay in ay naftooda ka badbaadistaan daadadka xooggan ee kusoo wajahan.

Sawirro laga soo qaaday Magaalada Baladweyne waxa ay muujinayaan heerka fatahaadda gaarsiisan tahay maadaama dhowr tallaabo biyaha dhulka ka fog yihiin taasina waxa ay dareen cabsi leh gelisay qoysaskii koobnaa ee rajada ka qabay sii joojigaanta guryahooda.

Xaafadaha Howlwadaag & Buundo weyn ee Magaalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa lasoo weriyay in ay Dad ku go’doonsan yihiin kuwaas oo la sheegay in keliya ay sugayaan Doomo lagu daabulo sidaas waxaa laga soo xigtay Maamulka Magaaladaas.

 

Mustaqbal

Related posts

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Oo Cambaareeyay Xadhiga Wariye Coldoon

Bnnstaff Bnnstaff

Hindiya Khasaare Iskugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhashay Dhisme Burburay

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Taageeray Go’aanka Kasoo Baxay Golaha Amniga Iyo Nabadda Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More