Koofur Afrika oo joojineysa xiriirka Israaiil si ay ugu ololeyso Dowlad Falastiin leedahay oo Qudus caasimad u ah.

Xisbiga Talada Haya Koofur Afrika ee ANC loosoo gaabiyo ayaa taageeray mooshin mucaaradka ay wadaan oo Baarlamaanka Dalkaas la horgeynayo si loogu codeeyo qaraar ka dhan ah Israaiil oo garab istaag xooggan loogu muujinayo Falastiin.

Koofur Afrika ayaa si cad u sheegtay in ay garab taagan tahay Dowlad Falastiin leedahay oo Caasimaddeedu tahay Magaalada Qudus si loo helo arrintaasina loo baahan yahay in gacmaha laga qabto Yuhuudda dhibaatada u geysaneysa.

Magaalooyin dhowr ah oo Dalka Koofur Afrika waxaa dhowaan ka dhacay Bannaanbax ka dhan ah Xasuuqa Yuhuudda ay ka geysaneyso Magaalada Gaza, Xayiraadda ay saartay Isbitaallada waa weyn ee Magaaladaas iyo duulaanka gargadada ah ee Israaiil ku heyso Falastiin.

Qaramada Midoobay ayuu Dalka Koofur Afrika u diray dhambaal furan oo uu ku muujinayo in ay garab taagan yihiin go’aanka ah in la helo Dowlad ka madaxbannaan faragelin iyo Israaiil oo ay yeeshaan Shacabka Falastiiniyiinta.

Arrintaan ayaa dad badan waxa ay durba dib u xusuusisay ololihii Nelson Mandela oo si wayn ula dagaalamay gumeysiga iyo kala soocitaanka dhinaca Midabka ah oo xitaa uu ku muteystay Xabsiga la dhigay taasina ugu dambeyn wuu ka mira-dhaliyay.

Xisbiga Mucaaradka Dhaqaalaha Xorta ah ee (EFF) ayaa soo jeediyay go’aankaan uu garab istaagga uu uga helay dhiggiisa Talada haya taasina waxa ay fududeynaa in uu Baarlamaanka si fudud go’aankaas u aqbalo maadaama xubnaha labada dhinac ay u dhan yihiin.

Related posts

Ciidanka Dowlada Itoobiya Oo Shaaciyay In Ay TPLF Kala Wareegeen Magaalooyin Muhiin Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Saxafi Cabdimalik Coldon Oo Si Adag Uga Hadlay Masuliyiin Hargeysa Kaga Qayb Galay Xus Loo Sameeyay Ciidan Ingiriis Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamad Maraykanka Ku Taala Oo Laashay Dacwada Loo Haystay Michael Jacksonkii Dhintay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More