Qaramada Midoobay Oo Xaqiijisay Inaysan Awoodin Inay Gargaar Gaarsiiso Gaza

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in aysan maanta gargaar geynin Gaza sababo la xiriira shaqaalaha goobta jooga – iyadoo khadadka taleefannada iyo internetka ay maqan yihiin maalintii labaad – mana jiro shidaal ku filan oo halkaa yaala.

Juliette Touma oo ka socota UNRWA – oo ah hay’adda gargaarka Qaramada Midoobay ee caawisa Falastiiniyiinta oo la hadashay weriyaha BBC-da Yolande Knell, ayaa sheegtay in tani ay si dhaqso ah isu beddeli karto haddii isgaarsiinta iyo shidaalka la soo celiyo.

Horraantii toddobaadkan, booyad ayaa markii ugu horreysay shidaal geysay Gaza tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil bishii Oktoobar, balse mar hore ayuu dhammaaday.

Sida aan soo tabin jirnay, Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sahayda cuntada iyo biyaha ay “dhab ahaantii jirinba”, dadka reer Gazana ay hadda sidegdeg u wajahayaan “ suurtalgalnimo macaluul”.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka u Dhexeeya Dowlad Degaanka Iyo Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Joe Biden Oo Trump Ku Tilmaamay Madaxwaynihii Ugu Xumaa Ee Abid Soo Mara Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Qatar Oo Baadhitaano Ka Bilaabaysa Dowladaha Somaliya Iyo Eritrea Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More