Ehelka Maxaabiista u xiran Xamaas ee intooda badan lasoo qafaashay 7dii Oktoobar 2023 ayaa dibadbax socod ah oo ay kasoo billaabeen Magaalada Tel Aviv waxa ay ku gaareen Qudus iyaga oo dalbanaya in lasoo daayo xubnahaas ka xiran.
Dibadbaxyaaasha ayaa isugu soo uruuray guriga uu degen yahay Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu maadaama ay ku doodayaan in uu diidan yahay kala wareejinta Maxaabiista si ay markale dib ula midoobaan Dadkaas ka maqan.
Waxa ay wataan boorar ay ku muujinayaan hal ku dhigyo ay ku dalbanayaan in lasoo daayo Dadka laga qafaashay & kuwo kale oo ay ku canaanayaan Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda iyaga oo ku cadaadinaya in uu aqbalo shuruudaha Xamaas.
Qoysaska dibadbaxaya ayaa sheegay in ay ka welwelsan yihiin xaaladda adag ay wajahayaan dadka ka maqan sabab la xiriirta in ay Xukuumaddoodu dayacday indhahana ka xiray dalabaadka horyaalla isla markaana ay awoodi waysay in ay soo furato.
Maalintii 5aad oo xiriir ah ayuu dibadbaxooda galay waxaana ay tilmaamay in aanay dib u laaban doonin ilaa inta Xukuumadda Netanyahu ay dhinac u dhigeyso Dadka ka maqan oo walbahaar xooggan quluubtooda geliyay.