Shirkado laga leeyahay Mareykanka oo Milkiile Elon Musk ku cadaadinaya in uu bartiisa Twitter ‘X’ ka joojiyo hadallada ka dhanka ah Israaiil.

Iyadoo ay kordhayaan hadallada looga soo horjeedo Israa’iil ee la dhigayo barta X oo horey loo oran jiray Twitter ayaa shirkaddaha waaweyn ee Maraykanka ee kala ah IBM, Apple, iyo Disney waxay joojiyeen xayaysiiska ay ku daabici jireen bartan oo uu leeyahay Alon Musk.

Go’aan kan ayaa yimid kaddib markii Elon Musk oo ah milkiilaha X iyo ninka dunida ugu qanisan uu ogolaaday qoraal ka hadlaya mu’aamarooyinka yuhuuda, isagoo sahlay in la daawado lagana jawaabb celiyo.

Elon Musk ayaa diiday in qoraalkan uu muujinayo yuhuud naceyb, wuxuna ku goodiyay in uu dacwad ka furi doono arintan.

Wuxu soo hadal qaaday cilmi baaris ay sameysay koox Maraykan ah oo garabka bidix ah oo la yiraahdo “Media Matters for America” kuwaas oo sheegay in ay caddeeyeen in iidhehyada shirkaddaha caanka ah lagu soo bandhigo qoraallo lagu amaanayo naasiyiintii, iyagoo xiganaya haddallo uu horey u yiri Adolf Hitler hoggaamiyihii Naasiga Jarmalka.

Afhayeen u hadlay X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa BBC-da u sheegay in shirkaddu si ula kac ah u maamulin xayeysiisyada caanka ah ee ay wehliso waxyaabahan oo kale, iyo in shabakadda ka go’an tahay la dagaalanka yuhuud nacaybka.

Related posts

Madaxwaynaha La Doortay Ee Maraykanka Oo Laalay Go’aankii Trump Muslimiinta Kaga Mamnuucay Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Pakistan Imran Khan Oo Baaq U Diray Bulshada Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Lamaane Aroos Ahaa Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Shalay Ka Dhacay Weerarkii Hotel Afrik

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More