Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Taariikhda waxa ay Danjire u dirsatay Dalka Eretareeya waxaana warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Madaxweynaha Dalkaas Isaias Afwerki si uu safiirkaan uga shaqeeyo xoojinta xiriirka Muqdisho & Asmara.
Danjire Cumar Idiris ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu warqadaha aqoonsi danjirenimo uu ku wareejiyo Madaxweyne Afwerki isaga oo sidaas ku noqday safiirkii ugu horreeyay dalkaas Soomaaliya u magacawday.
Cumar waa Danjirihii hore ee Soomaaliya Dalka Carbeed ee Qatar waxaana uu sheegay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada Dal iyo adkeynta iskaashiga ka dhex jira sida uu yiri kaddib markii uu wareejiyay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.
Soomaaliya iyo Eretareeya waxaa ka dhaxeeya xiriir Siyaasadeed waxaana Xukuumadda Asmara sanadihii u dambeeyay ay tababaraysay Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka oo Badda, Cirta & Dhulka ka howlgalaya.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya & Eretareeya ayaa dhowr jeer ku ballamay adkeynta iyo xoojinta xiriirka labada Dal si ay uga faaiideystaan labada Shacab, waxaana kordhay safarrada mas’uuliyiinta Waddamadaan.