Borama News Network

Ciidanka Israaiil oo Magaalada Gaza ku dilay ugu yaraan 42 oo u badan Haween Iyo Carruur

Ciidanka Israaiil ayaa sii kordhiyay howlgallada ay ka wadaan Magaalada Gaza kuwaas oo ay ku dhibaateeyeen Dadka Rayidka ah waxaana mid kamid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhacay ku naf waayay ugu yaraan 42 ruux oo 37 kamid ah ay yihiin Haween iyo Carruur.

Militariga Israaiil ayaa Dadkaan ku beegsaday goob ay joogeen waxaana ay u bartilmaameedsadeen si arxan-darro ah kana fog bani aadamnimada iyo xeerarka kale ee lagu xakamaeeyo ciidamada sida hadalka loo dhigay.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Magaalada Gaza Ismaaciil Al-Tawaabta ayaa sheegay in ciidamada Yuhuudda dil wadareed ay u gaysteen Dadkaan rayidka ah iyaga oo ku garaacay hubka culus.

Ismaaciil ayaa intaas  ku daray in 24 kamid ah Dadkaas ay ku dhinteen hal guri taasina ay muujinayso in ay xigto ay ahaayeen ama ugu yaraan ay deris ahaayeen dadkaas dhintay inkasta oo baaris ay wadaan dhankooda si loo aqoonsado.

Ciidanka Israaiil ayaa si joogta ah waxa ay madaafiic culus ugu tuuraan xaafadda Al-Tuffaax oo kamid ah xaafadaha dagaallada culus ku qabsadeen Yuhuudda isla markaana looga dilay Askarta badan loogana dhaawacay kuwo kale.

Related posts

Dhaqdhaqaaq Ciidan Iyo Xiisad Dagaal Oo Laga Dareemayo Deegaanada Xudoodka Somaliland Iyo SSC Khatumo

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo ku eedeeyey madaxa sirdoonka dalka inuusan xog nuxur leh u gubdin Madaxweynaha

Abdiaziz Bnnstaff

“Suuqii Bakaaraha maalintii labaad ayuu xiran yahay Dadkii wey Shooksan yihiin,Hey’adihii Dowladda ayaa kala shakiyay,yaan laga shaqeyn in lagu kala tago Dowladnimada”Xildhibaan Daahir Jeesoow.

Abdiaziz Bnnstaff