C/raxmaan C/Shakuur Oo Dhaliilay Qorshe Uu Wado Madaxweynihii Magacaabay Ee Xassan Shiikh

Xildhibaan Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame oo ka tirsan Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa si aan toos aheyn u dhaliilay qorshe uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh oo ah dowladu ka guurto nidaamka baarlaamniga ah ee Madaxweyne iyo Raisul Wasaare, loona guuro Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen.

Qoraal uu baraha bulshada Soo dhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan C/Shakuur Warsame oo arintan lagu durayo ayaa sidan hoose ku bilowday.

Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray.

1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta.

2-Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey.

3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay.

Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay.

Soomaali waxay ku maahmaadaa “Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon”

Related posts

Deg Deg:Dagaal Hada ka bilawday Magaaladda Boosaaso iyo dhawaaqa Hubka Culus oo la maqlayo

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Safarkii 8-aad Ee Dibadda Ah u Baxayo Iyo Ujeedkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

WhatsApp-Ka Oo Halis Galiyay Nolosha Madaxwayne Trump Iyo Qaabka Ay U Dhacday Arintaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More