Kulankii Baarlamanka Puntland Oo Baaqday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xiisada Garowe

Waxaa Maanta baaqday kulan ay magaalada Garoowe ku yeelan lahaayeen Xildhibaannada Golaha wakiilada dowlad Goboleedka Puntland, kuwaas oo u qorsheysnaa inay ansixiyaan waxka bedelka xeerka doorashooyinka Puntland, kadib xiisad dagaal oo ka dhalatay.

Magaalada Garoowe waxaa ku wada sugan Ciidamo iska soo horjeeda oo kala taabacsan Xukuumadda Madaxweyne saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland oo kasoo horjeeda waxka bedelka lagu sameeynaayo xeerka doorashooyinka.

Odayasha Dhaqanka iyo Aqoonyahadana Puntland ayaa billaabay wada-hadallo lagu xalinaayo xiisada ka taagan magaalada Garoowe, taas oo sababtay inay boqolaal Ruux ay ka barakacaan magaalada Garoowe.

Qaar kamid ah Isimada Dhaqanka Puntland oo la kulmay Madaxweynaha Puntland, Saraakiisha Ciidamada iyo dhinaca Siyaasiyiinta Puntland ayaa sheegay inay ku guuleystaan dejinta xiisadda, waxaana ay baaq u direen Ciidamada ka kala yimid Magaalooyinka kala duwan ee Puntland ee isku hor-fadhiya Magaalada Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka aan ka heleyno Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka, dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Related posts

Culimada Somaliya Oo Si Adag Uga Hadlay Dhacdooyin Ka Dhacay Muqdisho Teegeerona U Muujiyay Golaha Shacabka

Bnnstaff Bnnstaff

Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Oo U Mahadceliyay Ergadii Mar Labaad Dooratay

Bnnstaff Bnnstaff

Odayaal Ka Si Adag Uga Qayliyay Dil Argagax Leh Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Borama Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More