Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dowladda Ingiriiska kala hadlaya in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ah ee saaran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda Boqortooyada Ingiriiska kala hadlaya cunaqabateynta hubka ah ee Saaran Dalka iyo doorka Xukuumadda London ay ka qaadan karto sidii loo qaadi lahaa.

Madaxtooyada Soomaaliya oo faah-faahin hordhac ah ka bixisay kulamada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaadanayo Mas’uuliyiinta Ingiriiska uu kamid yahay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaas Rishi Sunak & waxyaabaha ay kawada hadlayaan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa waxyaabaha kale ee uu muhiimadda saari doonno waxaa kamid ah kulamada uu la qaadan doonno Madaxda Dowladda Ingiriiska oo kala hadlayo cunaqabataynta Hubka sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa” Cabdulqaadir Cali Dige oo ah Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS.

Marka uu kulamada iyo shirka looga hadlayo kahortagga cunno yarida & aafooyinka Sababa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la kulmi doonnaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska si uu uga dalbado garab istaagga howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ iyo gurmadka Dadka daadadku saameynta taban ku reebeen.

Related posts

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo go’aan ka gaartay Kiisas loo heysto 24 askari oo katirsan Ciidanka Dowladda Federaalka.

Bnnstaff Bnnstaff

Magaalada Ugu Weyn Dalka Shiinaha Oo Xayiraado Cusub Lagu Soo Rogay Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Urur Goboleedka IGAD Oo Baaq Ka Soo Saaray Dagaalka Ka Socda Dalka Sudan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More