Borama News Network

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxaya Weerar Ay Dablay Hubaysani Ka Gaysteen Kuunfurta Dalka Ruushka

Madaxa jamhuuriyadda Dagestan ee koonfurta Ruushka ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay dileen lix ka mid ah dableydii weerarka soo qaaday oo sida muuqata ka soo abaabulay magaalooyinka Derbent iyo Makhachkala.

Sergei Melikov ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo iyo toban qof ay ku dhinteen weerarradaas, oo intooda badan ay ahaayeen askar booliis ah, oo ay ku jireen waddaaddo kaniisadeed.

Weriye BBC-da ka tirsan sheegaya in ammaanka Makhachkala uu yahay mid aad loo adkeeyay ka dib wax lagu tilmaamay fal argagaxiso oo halkaa ka dhacay. Inta badan Muslimiinta Dagestan waxa ay goob joog ka ahaayeen weeraro hore oo ay gaysteen kooxo Islaamiyiin ah.

Walaaca ammaanka ee Ruushka ayaa sii kordhayay wixii ka dambeyay weerarkii lagu qaaday hoolka Crocus City ee Moscow bishii Maarso ee aynu ka soo gudubnay.

Related posts

Xisbiga kulmiye oo xukuumada ku wargeliyay soo dhawaynta madaxwayne hore Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Oday 65 Jir Ah Oo Lagu Daldalay Magaalada Muqdisho Iyo Ehelada Odaygaasi Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Magaaladii Loo Dalxiisi Jaray Ee Maraykanka Oo Laga Qaxay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Dabkaasi

Abdiaziz Bnnstaff