Borama News Network

Dowlada Sucuudiga Oo Mar Kale Ku Dhawaaqday Dhimashada Dad Cusub Oo Ku Geeriyooday Xajka

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa shaacisay tirada dhismahasda xujeyda sanadkaan oo korortay isla markana gaartay ugu yaraan 1,301 oo qof. Dadka geeriyooday ayaa badankood lagu sheegay kuwa aan helin ruqsad ay ku soo galaan dhulka barakeysan, iyadoo wakhti badanna ay soo lugeeyeen.

Lugtaas dheer ayaana sababtay iney la kulmaan kuleyl xad-dhaaf ah oo horseeday dhimasho.

Xujeyda ayaa sanadkaan gudanayay waajibaadka xajka xilli ay wajahyeen kuleyl daran oo gaarayay 50 digree.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in in ka badan afar-meelood meel dadka dhintay aysan haysan oggolaansho rasmi ah oo u oggolaanayay inay halkaas joogaan, waxayna ku socdaaleen kuleyl daran, iyagoon helin adeegyadii muhiimka u ahaa si ay uga gaashaantaan kuleylka iyo caqabadaha kale.

Related posts

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Booqasho Ku Tegay Safaarada Imaaraadka Carabta Ee Muqdisho Iyo Sababta Booqashadaasi

Abdiaziz Bnnstaff

Wiil Hooyadii U Dilay Arin Yaab Leh Oo Ay Dadkii Deegaankaasi Ka Argagaxeen Iyo Ninkii Oo Maxkamada La Horkeenay

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Waxa Uu Caadaystay Cayda Iyo Aflagaadada Ciidanka Qaran” Wasiir Maxamed Kaahin

Abdiaziz Bnnstaff