Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya Oo Kasoo Horjeestay In Wax Laga Baddalo Dastuurka

Hoggaamiyeyaasha muslimiinta ayaa ka soo horjeestay in wax laga beddelo dastuurka dalka Kenya iyada oo loo marayo qorshaha loogu magacdaray (BBI). Waxaanay sheegeen in wax-ka-beddelka dastuurka ee la odorosay uusan la imaan doonin dib-u-habeyn.

Waxayna ugu yeedheen saaxiibbada isgacan qaaday ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxa ODM Raila Odinga inay joojiyaan howshaaas oo taa badalkeeda ay xooga saaraan la dagaalanka feyraska Covid-19 oo dhibaatadiisu kusii bahaayo gobolka.

Dhawaan ayay aheyd markii Kenya looga dhawaaqay qorshe la isugu soo dhaweynayo shacabka, kaas in muddo ah laga dhuursugayay. Waa barnaamij soo jeedineysaa in isbaddallo dhowr ah lagu sameeyo hanaanka siyaasadeed.

Haddaba waxaan baaqaas ka waraysannay ka waraysannay Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ah iskuduwaha Hay’adda Muslimiinta ee NAMLEF ee dalka Kenya. Wuxuuna u warramay Ciise Xaaji Cabdille.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ciidamo Cusub Oo Ka Socda Dalka Nigeriya Oo Soo Gaadhay Dalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Ku Waajahan Dalka Jabuuti Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Fransiiska Oo Lagu Qasbay In Uu Ka Laabto Aflagaadadii Uu Kala Kacay Mali

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More