Faalo:- Mustaqbalka Dagaalka U Dhexeeya Xukumada Federalk Ee Itobiya iyo Gobolka is maamulka Tigrey

Maqaalkan yar ee kooban waxaan ku falanqayn doonaa dhawr su’aalood oo la xidhiidha mustaqbalka dagaalka u dhexeeya dawladda federalka ee Itobiya iyo ismamulka Tegrey oo ay ka mid yihiin: dagaalka yaa ku guulaysan doona? Waa maxay sababta ay dawladu uga dhaga adaygayso baaqa dibadda ee ah in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka? Waa maxay jawaabta ugu haboon ama doorka ugu macquulsan ee ay tahay in ay Somalida Itobiya iyo wadamada kale ee Somalida ay tahay in ay ka ciyaaran arrintan? Suaasha ugu dambeysa waa mid Iyana dadku had iyo goor iswaydiyaan oo ah Itobiya ma burburi kartaa sidii ku dhacday Somaliya?
Dadka qaar ayaa isla dhex maraya fikirka ah in Tegreygu guulaysanayaan, taas oo hadii ay dhab noqoto ay tahay in wax Itobiya la dhayidhaahdo la waayi doono waayo. Waxay keynaysa in ay qoomiyadahaasi kala tagaan oo wadamo kala gaar gaar ah noqdaan, halkaana uu ka bilaabmo waji foolxun oo labaad oo geeska Africa oo sii cakira xaaladii xumayd ee waligiiba gobolku ku sugnaa. Si kastaba ha ahaatee waxa yar suurtagalnimada Tigreygu dagaalkan hada socda uu ku guulaysan karo waxana ka badan mida dawalada federalka ahi kaga adkaan karto.
Tegreygu waxa uu guulaysan karaa hadii ay dhacaan laba waxyaabood oo kala ah: hadii ay ismaamul gobolleedyada kale qaarkood iyaguna ka horjeestaan dawlada dhexe, taasi oo aan ilaa hada lahaynin, iyo ta labaad oo ah hadii uu dhoco afgambi lagu sameeyo dawladda iyo dimoqradiyadda ka hanaqaaday wadankaas. Arrintan dambena waa mid dawlada Dr. Aby Ahmed ay aad uga digtoon tahay waana sababta saraakiisha tegreyga kuwo milatari iyo kuwo rayid ahba isha loogu hayo ee xilalaka looga qaadayo qaarkoodna xabsiyada loogu taxaabayo. Marka la isku duuduubo ma jiraan cadaymo wax ku ool ah oo inoo muujin kara in Tegreygu ku guulaysan karo dagaalka wakhti xaadirkan. Taa macnaheedu waxa weeyi in iyaga laga adkaan doono.
Waxa kale oo Iyana jira shakhsiyaad, urruro iyo dawlado dhawr ah oo isku dayaya in ay dawladda dhexe ku cadaadiyaan in ay wadahadal la furto Tegreyga laakiin dawlada Dr. Aby ay iska dhaga marisay. Arrintan marka laga hadlayo waxa haboon in laga fikiro ‘dabeecadda wadahadal siyaasadeed oo dhex mara laba dhinac oo is haya (political negotiation). Dalabka wadahadalku mar waxa uu ka yimaadaa hal dhinac marna labada dhinac. Waxa qasba waxa la yidhaahdo awood. Hadii labada dhinac ay dan moodaan in lawada hadlo waa marka ay yihiin awood isku dhiganta (balance power), oo hadii dagaalku sii socdo ay is gaadhsiin karaan khasaare isku dhigma, islamarkaana aan la kala adkaan karin. Marka labada dhinac midkood ogolaado wada hadal isaga oo aan gaadhin ujeedadii dagaalka uu ka lahaa, waa marka labada dhinac kala awood badan yihiin (imbalance power). Markaa hadii uu dhinac ku adkeysto in anuu wada hadal diyaar u ahayn, waa marka uu ka awood badan yahay dhinaca ay is hayaan. Sidaa daraadeed in dawlada dhexe ee Itobiya ay diido wadahadal maaha mid lalayaabo.
Sababta ay xukumaddu u yaraysatay iskagana dhago marisay maaha midaas oo kaliya. Waxa jira wax la yidhaahdo dabeecadda dawladnimada (nature of government). Sida caadiga ah rugniyadda dawladi ku dhisan tahay ayaa ah in ay noqoto urrurka ugu awooda badan dhulka ay ka taliso kana sareyso shakhsi kasta, urrur kasta, shirkad kasta iyo cid kasta oo ku sugan gudaha xuduudeeda, waana waxa afka qalaad lagu yidaa monopoly of power. Sidaa daraadeed, taasi waa ta ku khasbaysa xukumadu in ay dagaalka sii wado ilaa iyo in ay ka xaqiijinayso in ay iyadu ugu awood badan tahay hoosteedana keenayso cida ay is hayaan. Waxa iyadna jirta arrin kale oo taas ku lamaan. Waa rugni 2aad oo aan la’aantii dawlidi jiri karin hadii ay ku fashilanto sugitaanka ku dhaqankiisa waana dastuurka. Xukumad kasta waxa laga filayaa in ay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo dastuurka jabisa. Sidaa darteed xukumadu sharciyad ayey uga haysataa dhamaan dadkii dastuurka Itobiya u codeeyey in ay Tegreyga la dagaalanto maadama ay dastuurkii jabiyeen.
Arinta xusida mudan ayaa ah, in dagaalkaasi macno wayn ugu fadhiyo wadammada geeska Africa, Somalida guud ahaan, gaar ahaana Somalida Itobia. Sidaa darteed waa Somalidu doorkooda ka ciyaaraan si haboona uga jawaabaan, taasi oo ah in ay taageeraan dawlada dhexe ee Itobiya islamarkaana cambaareeyaan Tegreyga, Afrikana sidoo kale. Sababtuna waxay tahay kala doorashada laba waxyaabood oo kala fiican oo aan isku dhawyn: demoqradiyad iyo kalitalisnimo. Waayo dagaalku waa mid u dhexeeya dimoqradiyada ka hana qaadi Itobiyada cusub iyo xoogaga tegreyga ee ku adkeysanaya soo celinta nidaamkii kalitalisnimada ee ay hogaamin jireen. Itobiya demoqradi ah hadii la helo, geeska Africa oo dhan oo ay ku jirto Itobiya wax wayn ayey ka taraysaa, dhinacyada dawlad-wanaaga, arrimaha bulshada, siyaasada, dhaqaalaha, iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Arrimaha Itobiya ee maanta laga hadlayo dad badan ayaa markay u fiirsadaan is waydiiya tolow Itobiya ma noqon kartaa wadan dumay (collapsed state). Qaarkood waxay ku jawaabaan ‘haa’. Qaar kalena ‘maya’. Hadii uu dagaal ka dhoco waddan waa macquul in uu ku keeno burbur waddankaas sidii Somalia, waana macquul in laga heshiiyo sidii Ruwanda. Laakiin sida Itobiya u dhisan tahay nidaam ahaan, waxaan odhan karnaa ‘haa’. Waayo taariikhda ayaa inoo ogolaanaysa. Wadankii la isku odhan jiray Yuguslafiya hadii aad taariikhdiisa dib u raacdo waxaad ogaan kartaa in Itobiya aanay luga adag ku taagneyn.
Hadii uu waari lahaa wadan sida Itobiya oo kale ah, waxa jiri lahaa Yuguslafiya oo ka fursad fiicnayd inay waarto. Yuguslafiaya waxay ahayd wadan dhismay oo hadana burburay, kuna dambeeyey in uu u qaybsamo 7 dal oo kala madax banan. Sida Itobiya, Yugulafiya waxay ahayd wadan federal ah, oo ka kooban 6 gobol oo kala af, kala dhaqan iyo kala diin ah. Tiro ahaan dadka Yugulafiya waxay ka tiro yaraayeen ka Itobiya waxayna ahaayeen 25 miliyan oo u dhigma rubuc ama ¼ tirada dadka itobiya oo ah ilaa 100 miyan. Halka ay Itobiya tahay dal khasab ku dhisan oo qoomiyadaha ku nool ay dad tiro yari ay khasab ku qabsadeen islamarkaana gumaysteen, 6dan gobol ee ku midoobay Yuguslafiya waxay ahaayeen kuwo ku midoomay jacayl iyo is weheshi taas oo khasabtay cabsi ay ka qabeen in wadamo kale ay qabsadaan. Waxay u midoobeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen iskacaabinta dagaalada u dhexeeya bariga iyo galbeedka iyo quwadaha waawayn, Tusaale ahaan 1941 waxa qabsaday Germalka.
Si la mid ah sidii ay Itobiya markii uu raysal wasaare Malas Seenaawi noolaa, Yuguslafiya waxay xoog lahayd oo ay si fiican u shaqaynaysay intii uu noolaa ninkii dhidibada u taagay madaxweyne Jozip Broz (Tito). Hasa ahaatee, si ka duwan Itobiyanka, Maadaama ay ree Yuguslafiya ahaayeen dad aan khasab la iskugu keenin Tito way jeclaayeen waxana ku maamuli jiray nidaam ay raali ka yihiin oo aad uga fog kii uu Malas ku xukumi jiray Itobiya ee arkxanka iyo naxariista darnaa. Si la mid ah sidii ay sameeyeen dadka reer Itobiya markii uu dhintay Malas, kacdoono qawmi ah ayaa ka dhacay Yuguslafiaya, waxana bilaabmay burburkeedu, Yuguslavina dhimashadii Tito ka dambeynba wax ka badan 10 sanadood. Sidaa darteedna dhimashadii Tito waxa loogu yeedhaa, ‘dhimashadii Tito-bilawgii burburkii Yuguslafiya.’

Wadankii wuxuu cagta saaray wadadii burburka. Waxa bilaabmay wadaniyad doon (nationalism). Tusaale ahaan xisbigii wadanka ugu waynaa ee la odhan jiray xisbiga Shuuciga ee Yuguslafiya, wuxu u kala jabay 8 urrur sida: xisbiga shuuciga (XSH) ee Croatia, xisbiga shuuciga (XSH) ee Bosnita & Herzegovina, XSH ee Macedonia, XSH ee Montenegro, XSH ee Serbia, iyo XSH ee Slovenia, markaa ayuu kii Serbiya laba xisbi u kala baxay oo kala leeyihiim Kosovo iyo Vogvodina. Waxa isaguna sii xumaaday dhaqaalihii dalka. Waxa xilkii madax tinimada qabsaday hogaamiyihii Serbianka ahaa ee Slobodan Milosevic. Waxa xilalkii uu ka qaaday madaxdii dawlad goboleedada isaga oo ku badalaya kuwo isaga saaxiibo yihiin……… Waxa dhacay dagaalo qoomi ah iyo kuwo diin ku salaysan kuwaas oo sabbay xasuuq baahsan oo dawladu ka qayb qaadatay. Bal hada u fiirso, Serbiankii waxay ladagaalameen muslimiintii Bosniyanka iyo kuruwatka ahaa kuwa ku dhex nool iyo kuwo kaleba , kuruwatkii waxa uu la dagaalamay Serbiyankii iyo boosniyankii muslimka ahaa kuwa ku dhex nool iyo kuwo kaleba, Bosniyankii muslimka ahaa wuxuu la dagaalamay Serbiyankii iyo Kuruwatkii (Croatians) kuwa ku dhex nool iyo kuwo kaleba. Ugu dambaysna waxay u kala jabeen 7 wadan oo kala ah Slovenia, Croatia, Bosnia & Herzegovina, Serbia, Montenegro, Macedonia iyo kosofo, halka markay isku biirayeen ay ahaayeen 6 wadan oo kala ah Slovenia, Croatia, Bosnia & Herzegovina, Serbia, Montenegro iyo Macedonia. Waayo Serbia ayaa laba u sii kala jabtay. Maanta waa 7 dal oo mid walba goonidiisa loo aqoonsan yahay. Tani waxay ku tusayaa in madaama wadan federal ah, oo 25 milyan ka kooban, oo dadku yihiin kala qoomiyado kala af, kala dhaqan, kala diin, oo hadana ku midoobay walaalnimo iyo iskaashi uu burburay, sidaaso kale in uu buburi karo wadan kale oo noociisa oo 3 jeer ka dad baan oo100 milyan dadakiisu ka badan yihiin, isla markaana ay si xun u soo maamulayeen una soo gumaysanayeen laba qoomiyadood oo tiro yar intii kale ka badneyd.
Guntii iyo gabagabadii, ma jiraan cadaymo wax xaqiiqda ku dhisan oo muujinya in Tegreygu dagaalka ku guulaysanayaan xiligan xaadirka, waxana ka awood roonaan doonta dawlada federalka ah, lagamana yaabo in xukumada dhexe ogolaato wada-hadal ilaa inta ay awood leedahay. Arinta ugu muhiimsanina waxa weeyi in Somaliada Itobiya iyo kuwa kaleba iyo geeska Africa oo dhan oo ay taageeraan xukumada dhexe si loo badbaadiyo dimoqraadiyada Itobiya iyo Geeskaba.

     BY:- Abdinasir Hassan Muhumed

Related posts

Wariye Coldoon Oo Ka Hadlay Xadhigiisii Iyo Xukunkii Ku Dhacay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Xilka Qaadis Iyo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Dalka Faransiiska Oo Heegan Buuxa La Galiyay Iyo Cabsi Laga Qabo Weeraro Dhaca

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More