Borama News Network

Suxufi Wael Dahdouh oo ku adkaystay in uu sii wadi doonno u adeegista Dadka Gaza.

Suxufiga dhibaatooyinka kala duwan kala kulmay dagaalka ka socda Magaalada Gaza muddo ka badan 3da Bil ee lagu magacaabo Wael Dahdouh kana tirsan Teleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in uu ku adkaysanayo sii wadista shaqada uu hayo.

Dhibaatadii ugu dambaysay waxa uu la kulmay kaddib markii Ciidanka Israaiil duqayn ku dileen Wiilkiisa Xamsa & Suxufi Mustafa Thuraya halka horay xubno qoyskiisa katirsan ay ku dhinteen duqayn isla markaana uu ka geeriyooday muuqaal-duubihiisii waqtiga badan lasoo shaqeeyay.

Dahdouh waxaa uu sheegay in uusan joogin meel uu ku nafto ama uu uga haro shaqada uu hayo maadaama dhinac weliba oo Magaalada Gaza ah ay ka dhacayaan duqaymo & dagaallo toos ah oo maalin weliba joogto ah.

Suxufigiin ayaa loo arkaa halyay reer Gaza u istaagay si dhibaatada ay gaarsiinayaan ciidanka Yuhuudda bannaanka uu soo dhigo isaga sheegay in uu u taagan tahay sidii uu usii kordhin lahaa shaqada uu qabanayo.

“Waan sii wadi doonnaa shaqada aan hayo” ayuu u sheegay Wael Dahdouh oo la hadlay Shabakadda Aljazeera ee uu katirsan yahay kaddib markii wax laga waydiiyay in uu soo gabagabaynayo waayihii kasoo xog-warranka colaadda ka taagan Falastiin.

Suxufiyiintii ugu badnayd ayaa naftooda ku waayay duullaanka iyo duqaymaha Ciidanka Israaiil ay ka gaysanayaan Magaalada Gaza balse arrintaas ma joojin soo bandhigista dhibaatooyinka Yuhuudda ay gaysanayso.

Related posts

Milatariga,sirdoonka Iyo Booliskuba”Saxaafadii Hargaysa Oo Si Adag Uga Hadlay Xadhiga Ilig Iyo Tacdi

Abdiaziz Bnnstaff

“Haayadani waa haayad dalka muhiim u ah waxaana cadaynaya sida….” Agaasime Sambaloolshe

Abdiaziz Bnnstaff

Itoobiya Oo Qiratay In Ay Somaliya Hawada Ka Celisay Diyaaradii Siday Waftiga Itoobiyaanka Ah Ee U Socday Magaalada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff