Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Murashaxiinta Madaxwayne Ee Somaliya Uga Magaalada Muqdisho

Magaalada muqdisho waxaa weli ka socda shirka Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan Arrimaha doorashooyinka dalka iyo Guddiyada doorashooyinka oo ay kasoo horjeesteen.

Ka qaybgalayaasha shirka ayaa sheegay inay kordhiyeen muddada shirka si ay usii ballaariyaan wadatashiga, waxaana Maanta uu galay maalintii Shanaad, hayeeshee la filayo in Maanta la soo geba-gabeeyo.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa shirka ku biirayey dhinacyo kala duwan sida odayaasha dhaqanka, culimada, ururada bulshada rayidka iyo hoggaanka labada Aqal ee baarlamaanka iyo Xubno kale.

Shalay Xubnaha musharixiinta waxaa ay shir qadka Internetka kula yeesheen Wakiillada beesha Caalamka oo fadhigoodo yahay Xalane, waxaana ay kala hadleen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Warraka shirka laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay si adag uga doodayaan sida ay ka yeelayaan Guddiyada doorashooyinka hadii dowladda Soomaaliya ay bdel ku sameyn weeyso, iyada oo la filayo inay go’aano soo saaraan.

Xafiisk Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wasiirka Amniga Kalmudug Iyo Duqa Magaalada Gaalkacyo Oo Ka Warbixiyay Howlgalo Ka Socda Magaaladaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamo Badan Oo Itoobiyaan Ah Oo Loo Jaray Waaran Soo Qabasho Ah Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Taliye Odaywaa Oo Ka Warbixiyay Hawlgalada Ka Socda Dalka Ee Ka Dhanka Ah Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More