Ex Madaxwayne Xaaf Oo Si Adag Dhaliilay Shirka Murashxiinta Ugu Socda Magaalada Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka hadlay Shirka Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya maalintii shanaad uga socda Magaalada Muqdisho.

Xaaf ayaa sheegay in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho horey loo soo arkay wax ay dalkaan u qabteen, isagoo sheegay in xiligaan aysan aheyn inay cabasho ka muujiyaan Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.

Waxaa uu sheegay Madaxweynihii hore ee Galmudug in la wada ogaa wixii ka dhacay Guddiyadii doorasho ee la magacaabay xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo tilmaamay in Musharaxiinta aysan jirin wax wanaagsan oo xiligaan ay sameeyn doonaan, shirkooduna uu yahay mid aan xalaal aheyn.

Sidoo kale Xaaf ayaa Musharaxiinta ugu baaqay inay dalka Soomaaliya ka daayan dhibaato uu xusay inay Musharaxiinta dalka ku wadaan, wuxuuna shaki geliyay in midkood Musharaxiinta hadii la doorto uusan waxba dalka u qabaneyn.

Isaga oo sii hadlaayay Xaaf ayaa weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre, isagoona sheegay in markii uu haayay xilka Madaxweynaha uu Ciidamo u soo kireystay, isla markaana uu kasoo ceriyay Magaalada Dhuusamareeb.

“Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre oo inta Ciidamo iikeensadey xilkeygii igasoo ceersadey Dhuusamareeb ayaa ka mid ah shirka Muqdisho, maxow shir ka noqonayaa xalaalba maahane.” Ayuu yiri Xaaf oo warbaahinta la hadlay.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa Magaalada Muqdisho uga socda shir galay maalintii shanaad, waxaana looga hadlayaa doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sandkaan 2020/2021.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Shiirka La Tashiga Gobolka Ee Ururinta Xogta Mudnaanaha Horumarineed Ee Gobolada Awdal Iyo Selel Oo Borama Lagu Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Shaaciyay In Laga Helay Cudurka Coronavirus Waase Kuma Madaxwaynahaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Shacabka Magaalada Hargaysa Oo Ku Gacan Saydhay Marashaxnimada Maayirka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More