Borama News Network

Joe Biden iyo Trump oo isku adeegsaday hadalladii ugu adkaa kadib dood loo qabtay

Dooddii ugu horreysay ee telefishin laga sii daayo sanadkaan ee dhexmartay madaxweynaha hadda Joe Biden iyo madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa ku soo dhammaatay iyadoo Biden uu u muuqday in aanu diiradda saarin waxyaabihii laga sugayay, waxaana dhacayay in hadallada qaar uu ku marganayay, codkiisa oo xabeeb lahaa iyo jawaabaha qaar oo aanu toos u abbaareynin.

Labada nin ayaa kala matalaya xisbiga dimuquraadiga ah oo Biden uu u sharraxanyahay iyo xisbiga Jamhuuriga ah oo Trump uu u taaganyahay.

Doodda oo uu qabtay telefishinka CNN, ayuu Mr Trump ka gaabsaday su’aal ahayd inuu mas’uul ka ahaa jabinta sharciga iyo rabshadihii dhacay, 2021, markii taageerayaashiisu ay weerareen Aqalka Congress-ka Mareykanka.

Labada nin ayaa isku adeegsanayay hadallo adag iyadoo Biden uu Trump ku tilmaamay dambiile halka Trump qudhiisu isla eraygaas uu u adeegsaday Biden.

Arrimaha ay ku kala aragti duwanaayeen waxaa ka mid ah soo galootiga, ilmo iska soo xaaqidda iyo maareynta dhaqaalaha.Sidoo kale arrinta Ruushka ee dagaalka Ukraine iyo doorka NATO ayay isku maan-dhaafsanyihiin.

Related posts

Deg Deg:- Waftigii Itoobiya Ka Ahaa Oo Ka Soo Degay Magaalada Hargeysa

Abdiaziz Bnnstaff

Tiawan Oo Sheegtay In Ay Somaliland Ka Caawinayso Hurumarinta Tamarta Iyo Macdanta

Abdiaziz Bnnstaff

Hal milyan oo dollar oo lagu wareejiyay shirkadd dhisaysa qeyb kamida dhismaha suuqa Waaheen.

Abdiaziz Bnnstaff