Borama News Network

Kuuriyada Waqooyi oo Tijaabisay Gantaal cusub oo aan laga filanayn in ay samaysan karto

Tijaabada hub ee todobaadkan ayaa noqotay meeshii ugu dambaysay ee ay isla gaaraan Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed, iyada oo Pyongyang ay sheegtay in ay ridday gantaal madaxyo badan oo casri ah, halka Seoul ay ku eedaysay in ay ka been sheegeen.

Saacado ka dib markii warbaahinta dawladda Kuuriyada Waqooyi ay amaantay “guusha” tijaabadooda oo ay soo bandhigtay sawiro ay caddayn ahaan u qaaday Khamiistii, Koonfurta ayaa ku tilmaantay “khiyaano iyo buunbuunin” waxayna sii daayeen caddaymo kale oo muujinaya gaar ah guuldarada tijaabada gantaalka.

Dhanka kale, falanqeeyayaasha ayaan hubin xaqiiqada sheegashada Kuuriyada Waqooyi.

Muranka ayaa hoosta ka xariiqaya xaqiijinta horumarinta hubka Kuuriyada Waqooyi, taas oo sii socota in kasta oo cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogay.

Haddii sheegashadii ugu dambeysay ee Kuuriyada Waqooyi ay run noqoto, waxay uga dhigan tahay horumar la taaban karo oo laga gaaray barnaamijkooda gantaallada.

Madaafiicda madaxyada badan waa ay adag tahay in la iska difaaco, tignoolajiyaddooduna waa ay adag tahay in la horumariyo. Gantaalada noocaas oo kale ah waxaa hadda haysta oo keliya Maraykanka oo markii ugu horreysay soo saaray 1960-meeyadii, iyo sidoo kale UK, Faransiiska, Ruushka iyo Shiinaha ayaa la og yahay inay leeyihiin awoodahaas.

Pyongyang ayaa hadda ku dhawaaqaysa in ay sidoo kale tahay qaadday tallaabo u dhow in ay ku guulaysato inay sameysato hubka noocaas ah.

In muddo ahba khubaradu waxay ku kala aragti duwanaayeen suurtagalnimada ah in Kuuriyada Woqooyi ay ugu dambeyntii horumariso awoodaha MIRV.

Barnaamijka MIRV waa Tignoolajiyad ku lug leh in dhowr madax oo gantaal lagu xiro hal gantaal kaas oo kala qeybsami doona marka la rido. Madaxyadaas waxa ay markaa awood u yeelan doonaan in ay garaacaan bartilmaameedyo kala duwan.

Waxaa lagu ridi karaa xawaare kala duwan iyo jihooyin badan, taasoo u oggolaanaysa inay ku dhuftaan bartilmaameedyada boqollaal kiiloomitir u jira. Tani waa waxa ka dhigaya hubkan mid si gaar ah waxtar u leh.

Pyongyang ayaa Khamiistii sheegtay in ay “si guul ah u samaysay tijaabada kala soocida iyo xakamaynta hagista ee madaxyada gantaalka” maalin ka hor. Hubka, ayaa la sheegay in loo adeegsaday mishiinka heerka koowaad ee gantaalaha ballistic-ga ee riddada dhexe.

Gantaalkan ayaa lagu tijaabiyay xaawaare gaaraya 170 ilaa 200 kiilomitir (105 ilaa 124 mayl) si loo xaqiijiyo badqabka loona cabbiro duullimaadyada madaxyada dagaalka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda. Madaxyada gantaalka ayaa mid walba “si sax ah loogu hagay” bartilmaameedkooda.

Tijaabadu waxa ay ahayd mid “muhiimad weyn u leh xoojinta” ciidamadooda gantaalaha waxaana loola dan lahaa “in la xaqiijiyo awoodda MIRV”, taas oo la siiyay mudnaanta koowaad.

Si kastaba ha ahaatee ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa si degdeg ah u beeniyey sheegashadaas, iyagoo sheegay in “tijaabadu ay u dhacday sidii la rabay oo aanu qarxin.”

Kuuriyada Koofureed ayaa waxay soo bandhigtay muuqaal ay ka duubtay tijaabada, iyadoo sheegtay in marxaladda bilowga ah ay muujinayso gaantaal aan fadhinin oo horseeday qarax hawada dhexe ah. Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay arkeen haraa aad u badan kaas oo ka dhalan kara tijaabada lagu “guul darreystay.”

Waxa ay sidoo kale sheegeen in sawirada Kuuriyada Waqooyi ee la sheegay in ay muujinayaan madaxyada dagaalka ay dhab ahaantii yihiin sawirro tijaabo gantaal ah oo qaaradaha isaga gudba oo la sameeyay bishii Maarso.

Related posts

khatar Ka Jirta Koonfurta Lubnaan.

Abdiaziz Bnnstaff

Xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Xisbullaah & Israaiil oo dhalisay cabsida dagaal cusub

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Indho Indho Oo Ku Baaqay In Somaliland Laga Qabto Wasiirka Maaliyasa Sacad Cali Shire

Abdiaziz Bnnstaff