Madaxwayne Geele:- ” Waxaan Ka Cabsi Qabaa In Ay Soo Baxaan Baarlamaan Ay Si Dadban U Maamusho Al-Shabaab”

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab.

Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Wuxuu intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Afhayeenka Beelaha Harti Ayaa Ka Hadley Mudo Kordhinta Madaxweynaha Iyo guurtida Iyo Tabashada Beesha.

Bnnstaff Bnnstaff

Laamaha Amniga Somaliya Oo Muqdisho Ku Qabtay Burcad Dhac Geysaneysay

Bnnstaff Bnnstaff

Weerar Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Xaafad Ka Tirsan Kismaayo Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More