Borama News Network

ATMIS oo Ciidanka Xoogga Dalka ku wareejisay Saldhiggii ay ku lahaayeen Cabdalla Biroole Gobolka Jubada Hoose

Ciidamada howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS ayaa Saldhiggii ay ku lahaayeen Deegaanka Cabdalla Biroole Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland waxa ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Xeradaan la wareegay waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala socday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedka Jubbaland & Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS gaar ahaan xubnaha qaabilsan wareejinta Xeryaha.

Sarkaal katirsan Xafiiska Qorshaynta kala guurka ee UNSOS oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in wareejintaan ay qayb ka tahay mas’uuliyadda ciidamada Soomaalida ay kula wareegayaan sugidda Amniga Dalka.

Waxa uu intaas ku daray Xafiiskaan UNSOS uu sii wadayo bixinta Taageerrada Ciidamada la wareegay mas’uuliyadda Saldhigga ku yaalla Cabdalla Biroole si lamid ah Ciidanka Afrikaanka ah ee ugu dambeyn Shalay wareejiyay xeradaas.

Howlgalka kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa si tartiib-tartiib ah u wareejinaya Saldhigyadooda, sida uu qorshuhu yahay waxaa lagu wadaa in dhammaadka sanadkaan la dhimo ciidamada isla markaana wax laga baddelo wajiga ay ku howlgayaan ciidamadaan.

Related posts

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Cod Aqlabiyada Leh Ku Diiday Wax Ka Bedelkii Guurtida Ee Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa Booliska DF uga qorsheysan sugida amniga Muqdisho Bisha Ramadan

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirkii Arimaha Dibada Dalka Itoobiya Oo Iska Casilay Xilkii Wasiirnimada

Abdiaziz Bnnstaff