“Shacabka Maqale Waxyellada Dagaalka Ka Soo Gaadhi Karta Waan Ka Taxaddareynaa” Abiy Ahmed

Raysal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa sheegay dagaalka Tigraay inuu galay wajigiisi seddexaad ee uu dambeeyey, ciidamadiisuna ay wadaan dagaal ballaadhan oo ay ku qabsanayaan caasimadda deegaanka Tigraay ee Maqale.

Wuxunna Abiy sheegay ciidamadiisu inuu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Jabhadda Xureynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo.

Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet oo BBC u warrantay waxay sheegtay dadka magaalada ku nool iney soo wajahday “qatar aad u weyn”.

“Runtii waa mid laga argagaxo xaaladda halista ah ee ay ku jiraan shacabka Tigraay gaar ahaan, dadka rayadka ah ee ku xayiran magaalada Meqale,” ayey tiri.

Waxayna intaa ku dartay “suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka horimanayo sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga”.

Hadalkan Abiy ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu dhammaaday seddexdi maalmood ee ay dowladda u qabatay xoogagga TPLF iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan.
Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa iney dagaalka afarta toddobaad ka socday deegaanka Tigraay boqollaal qof ay ku dhinteen kumannan kalana ay ka qaxeen guriyahooda, xilli ay ciidamada Itoobiya gabsadeen magaalooyin badan oo ku yaalla deegaanka Tigray oo TPLF maamulayeen.

Xaqiijinta sheegashada dhinacyada dagaallamaya ayaa aad u adag, maadaamaa ay xaddidan yihiin wararka la heli karo, maadaamaa ay telefoonnada iyo internet-kana ay go’an yihiin.
Daniel Birhane oo ah wariye isla-markaana ka faallooda arrimaha siyaasadda oo ku sugan magaalada Maqale oo BBC u warramay wuxuu sheegay gudaha magaalada inaan laga dareemeyn saansaan colaadeed sidoodina ay ‘u cammiran yihiin’ maqaayadaha, baararka, huteellada iyo goobaha laga dukaameysto.

Seddex ergo oo ka socota Midowga Afrika oo loo xilsaaray inay ka shaqeeyeen sidii loo joojin lahaa colaadda Tigrayayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Saddexdan mas’uul ayaa kale ah: Madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, Ellen Johnson Sirleaf oo hogaamin jirtay Liberia iyo Kgalema Motlanthe oo muddo kooban madaxweyne ka ahaa Koonfur Afrika.

Balse ergada seddexda ah looma oggolaan iney safar ku tagaan deegaanka Tigraay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sucuudiga Oo Hub Ka Dalbaaday Ruushka Ka Dib Markii Uu Xayiraad Ku Soo Rogay Madaxwayne Joe Biden

Bnnstaff Bnnstaff

“Doorasho Xalaala Wakhtigeeda Ku Dhacda Ayaynu Madaxweynaha Kasugaynaa Isna Ha Tartamo” Siyaasi Cumar Jaamac

Bnnstaff Bnnstaff

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay In Ay Booliska Somaliland U Soo Hanjabayo Murashaxiinta Fariina Diray

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More