Haayada Cuntad Aduunka Oo Ka Digtay Ayax Mar Kale Ku Soo Fool Leh Somaliya

Hay’adda cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digaysa in wixii ka dambeeya todobaadka labaad ee bisha Diseembar la filayo in koronkoro cusub oo ayax ah lagu arki doono Soomaaliya iyo Itoobiya, iyagoo gadhi doona ilaa iyo waqooyiga Kenya.

Koronkoradan ayaa ka dhalatay bay hay’addu leedahay roobabkii ka dhashay duufaantii Gati ee horraantii todabaadkan ku dhuftay meelo ka mid ah waqooyiga Somaliya, taas oo keentay duruufo u saamaxaya ayaxu inuu ku tarmo goobaha ay duufaantu ku dhafatay.

Maxamed Khaalid Cali waa sarkaal ka tirsan hay’addaas FAO, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay Faarax Lamaane, waxa uu marka hore ka warramayaa waxyaabaha ay ku salaynayaan saadaasha ay samaysay hay’addiisu.

Related posts

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Caafimaad Ee Madaxwayne Trump

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Itoobiya Xasiga Dhigay100 Qof Oo Ku Wada Nool Guri Sadex Qol Oo Kaliya Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Warbaahita Hargeysa Oo Qaaday Shirka Shirwaynaha Ururuka Solja

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More