Duqa Magaalada Muqdisho Oo Ku Baaqay In Si Wada Jir Ah Loola Dagaalamo Alshabaab

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Maqaayada Gelato Divino ee degmada Wadajir.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday Qaraxii xalay, wuxuuna falkaas ku tilmaamay inuu ahaa mid argagax leh oo lagu laayay shacab Soomaaliya.
Duqa Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah meel looga soo wada jeysto la-dagaalanka Al-shabaab, si shacabka Gobolka ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan Murugada iyo Tacsida la wadaagayaa Dhamaan qoysaskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay ka baxeen Walaalihii Soomaaliyeed ee ku shahiiday dhacdadii waxuushnimada aheyd eek a dhacday Maqaaxida Gelato Divino. Si umadeena ay ugu noolaadaan nolal ku dhisan Xasilooni iyo horumar waxaa dhamaanteena waajib nagu ah inaan u midowno la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada oo Had iyo Jeerba caadeestay daadinta dhiiga dad Muslim ah oo aan waxba galabsan” ayuu yiri Cumar Finish.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Ay Soo Martay Colaadii Gobolka Karabaakh Ee Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Turkiga Oo War Ka Soo Saartay Qaraxii Maanta Ee Duleedka Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Saamayn Ka Dhalatay Roobab Ka Da’ay Magaalada Qardho Iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More