Murashaxiinta Madaxwayne Ee Somaliya Oo Si Adag U Cambaareeyay Qaraxii Xalay Fariina Diray

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayada Gelato Divino.

Qoraalo kala duwan oo ay soo saareen Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ay tacsi ugu direen dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen qaraxii xalay uu fuliyay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo lagu tilmaamay inuu ahaa Odey da’ ah oo galay Maqaayada Gelato Divino.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa Alle Caafimaad Deg-deg ah uga baryay inuu siiyo dadkii ku dhaawacmay qarax, iyagoona ku baaqay in si wadajir meel looga soo wadajeysto la dagaalanka wax loogu yeero Argagixisada.
Guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Hay’addaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, wuxuuna kula taliyay ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurka.

“Waxaan cambaareynayaa falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku weerareen maqaayadda Gelato Divino ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku geeriyoodeen dhalinyaro mustaqbalka dalkeenna muhiim u ahaa. Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qoysaska Marxuumiinta naga baxay Allaha u naxariistee, anigoo dhaawacyadana Alle uga rajeynayo caafimaad degdeg ah. Ugu dambeyntii waxaan ku boorinaynaa Hay’adaha Amniga ee Dowladda inay labalaabaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga, anigoo ugu baaqaya ineysan ka weecan, kana mashquulin howshii loo igmaday ee sugidda amniga, si gaar ah xilliga kala guurk” ayuu yiri Sheekh Shariif Sh Axmed.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay inay bartilmaameedsadeen Saraakii isugu jiray Sirdoon iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa maqaaxida uu qaraxu ka dhacay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dadkan Kala Qaybinaya Suuqa Waaheen Waxaan Leeyahay Kala Qaybin Uma Baahna Ee in Lo Taliyo Ayay” Odayaasha Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Afduub Ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo:- Xogo Xasaasiya Oo Ku Saabsan Ciidankii Eritra, Lagu Soo Tobabaray Oo Xaalkooda Laga Dayrinayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More