Borama News Network

Xisbullah Oo Weerar Aargoosi Ah Ku Qaadday Israa’iil Ka Dib Dilkii Taliyaheeda Sare

Kooxda Xisbullaah ee dalka Lubnaan ayaa in ka badan 200 oo gantaal iyo weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ku qaadday waqooyiga Israa’iil, iyadoo ka jawaabeysa dilka mid ka mid ah taliyeyaasheeda ugu sarreeya.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah saraakiishiisa lagu dilay weerarkan, oo ku billowday tiro gantaallo ah.

Milatariga ayaa sidoo kale sheegay inay beegsadeen saldhigyada Xisbullah ee koofurta Lubnaan, iyagoo ka jawaabayay weerarkooda.

Taliyihii Xisbullah ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada koofurta Lubnaan ku taalla ee Tyre.

Mohammed Nimah Nasser, wuxuu ka mid ah saraakiisha ugu sarreeya ee kooxda ee lagu dilo dagaalka.

Related posts

Diyaarada Dagaal Oo Si Khadal Duqaymo Culus Ka Fuliyay Dalkeeda

Abdiaziz Bnnstaff

Halis kale oo soo food-saartay dalka Sudan ee ay halakeeyeen dagaalada

Abdiaziz Bnnstaff

Hadii adigu aad dadkaagii ka hadhay anigu dadkaygii ayaan la joogaa,sharci darana ina Abiib lagu qaadi mayo”Gudoomiye Cali Xaamud Jibriil

Abdiaziz Bnnstaff