Madaxweyne Farmaajo, Raysal Wasaare Rooble Iyo Qoorqoor Oo Kulan Gaar Ah Wada Yeeshay

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay Madaxtooyada.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka oo saacado badan qaatay looga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo Arrimaha doorashooyinka dhacaya dhammaadka sandkaan 2020/2021 iyo qodobo kale oo qorsheysan.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daajir, waxaana kulankaas uu ahaa mid Albaabada ay u xirnaayeen oo u dhexeeyay Madaxda kulmay oo kaliya.

Kulankan ayaa ku soo aaday xilli xaalada siyaasadeed ee dalka ay marxalad xasaasi ah mareyso, isla markaana muran uu ka taagan yahay Guddiyadda doorasho ee dhowaan la magacaabay, ayna siweyn uga soo horjeedan Musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Lama oga in si gaar ah kulanka loogu falanqeyay Arrinta Guddiyada doorashada heer dowlad goboleed iyo kuwa heer Federaal, maadaama Musharaxiinta Mucaaradka bayaan ay soo saareen kaga dalbaday dowladda inay kala dirto Guddiyada doorashada oo lagu daray Askar ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha rayidka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maxaa Kajira in Madaxwaynaha Somalia Uu Barlamankisa Kala Hadlayo Xidhiidhka Israel

Mustafehaji

Maamulka Koonfur Galbeed” Somaliland Kama Aqbaleyno Hantida Ay Ka reebteen Dadkii Ay Soo Musaafuriyeen”

Bnnstaff Bnnstaff

Kuuriyada Waqooyi Oo Nukliyeer Ugu Hanjabtay Kuuriyada Koonfureed

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More