Wafdi Ka Socday Dowladda Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Shirweyne Iyo Halka Uu Ka Dhacayo Shirkaasi

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusman, ayaa hoggaamiyay wafdiga Soomaaliya uga qeybgalaya shirka 47aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka dorraad ka furmay Magaalada Niamey ee Caasimadda Dalka Niger.

Shirka oo loogu talogalay inuu socdo maalmaha 27 iyo 28 bishan November ayaa halkudhiggiisu yahay (Midowga la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada ee Nabadda iyo Horumarka) si loo caddeeyo sida ay uga go’an tahay dowladaha xubnaha ururkani la dagaalankooda.
Hadal uu shirka ka jeediyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay ujeeddooyinka iyo mabaadiida Ururka Iskaashiga Islaamka si loo ilaaliyo nabada iyo amniga caalamiga ah, iyo waliba dadaalada ay ku dooneyso in wadamada xubnaha ka ah ay ku gaaraan horumar.

Wasiiru dowluhu waxa uu ka qeybgalayaasha shirka uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan soo celinta amniga iyo xasilloonida, isagoo muujiyay guulaha ballaaran ee ay dowladdu ka gaartay dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale wax ka qabashada xaaladaha xuquuqda aadanaha.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Deg Deg: Weerar Ka Dhacay Dalka Faransiiska Iyo Dad Ku Dhintay Weerarkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Somaliya Md Farmaajo Oo Dhambaal U Diray Macalimiinta Somaliyeed

Bnnstaff Bnnstaff

Doorashada Sadex Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Oo Lagu Qabanayo Magaalad Jawhar

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More