Borama News Network

Doon Xoolo Ka Qaaday Dekeda Magaalada Berbera Oo Degtay Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Doontaasi Degtay

Dooni xoolo siday oo xalay ka dhaqaaqdey dekada magaalada Berbera ayaa la sheegay inay saaka ku degtay Badweynta.

Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamuud oo ah suldaanka guud ee Awal Bari ayaa saab Tv u xaqiijiyey In doontan oo magaceedu yahay SK Marwah oo siday xoolo tiradoodu dhan tahay 1780 neef oo isugu jiray adhi iyo lo’ una rarnayd ganacsato reer Somaliland xoolaha dhoofisa, kuna socotay dalka Yemen ay ku degtay meel u dhaw marin biyodka Baabul Mandab ee badweynta.

Sidoo kale waxa doontan degtay saarnaa shaqaale dhan 10 qof baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday, kuwaasi oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin.
Ilaa hadda lama oga sababaha keenay inay doontan siday xooluhu ee ka baxday dekedda Berbera ay ku degto xeebaha dalka Yemen.

Suldaanka ayaa Ilaahay uga baryey ganacsatada xooluhu ka khasaareen inuu cawil naq khayr qaba siiyo, isagoo sidoo kale Ilahaay ka baryey in shaqaalaha doonta la socday la soo samata bixiyo iyagoo nool

Related posts

“Madaxweyne Maxjarka Berbera Loo Xidhi Maayo Maxjar Kale, Caddo Gudde Na…..” Boqor Bad Madow

Abdiaziz Bnnstaff

”Xukuumaddu Xabsiga Ha Dhigto Ninka Beenta Faafinaya Ee Sabayste, Afka Habar-Awal Kuma Hadli Karo

Abdiaziz Bnnstaff

Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Si Adag Ula Hadlay Shacabka Magaalada Wajaale

Abdiaziz Bnnstaff