Borama News Network

Wararkii ugu dambeyay ee xaaaladda degmada Luuq oo dagaallo culus ay shalay ka dhaceen

Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka xaaladdu ay deggentahay, iyadoo shalay halkaa uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay laba meleeshiyo beeleed.

Dagaallada ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Luuq hase-yeeshee dagaalkii ugu cuslaa ayaa shalay dhacay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalkii shalay ay ku dhinteen dad ka badan dhowr iyo toban qof, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay.

Dad badan ayaa sidoo kale shalay magaalada ka barakacay, kuwaas oo naftooda kala baxsanaya isku dhacyada meleeshiyo beeleedka.

Luuq in dhawaalaba waxay ahayd meel xasilloon, ilaa iyo haddana si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysa dagaalka dhowrka maalmood ka dhacayay degmadaas.

Dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa labaduba baaq u diray dhinacyada halkaa ku dagaallamaya, iyagoo ku booriyay in ay xabadda joojiyaan.

Related posts

“Firdhiyow Reer Awdal Waa Dad Wax Bartay, Oo Aqoonyahan Ah Sidaadiina Magaaladooda Dumin Maayaan”.. Faysal cali waraabe

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynuhu Waa Dambiilaha Kawbaad Waan Lagala Xisaabtamayaa Waxii Dhacay” Gudoomiye Xirsi Xaaji

Abdiaziz Bnnstaff

Iran oo baroordiiq uga sameysay Tehran geeridii ku timid hogaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh

Abdiaziz Bnnstaff