Borama News Network

Diyaaradaha Milatariga Yuhuuda Duqaymo Culus Ka Fulinaya Qaza

Duqeymo dhanka cirka ah ayaa Israa’iil ay ka fulisay bartamaha magaalada Qasa, saacado kadib markii militariga Israa’iil ay soo saareen amar lagu daadgureynayo dadka reer Falastiin ee ku sugan halkaasi. Boqolaal qoys oo falastiiniyiin ah ayaa u qaxay dhanka galbeed iyagoo tix raacaya hadalka ka soo yeeray ciidamada.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan hanjabaad kasoo cusboonaatay Xamaas iyo kooxaha kale ee hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa. Iyadoo rajada laga qabo heshiis xabbad-joojin ah oo Qasa ka hirgala ay dib u soo noolaatay, ayaa xafiiska raysal wasaaraha Israa’iil uu soo saaray bayaan uu ku sheegayo in heshiis kasta oo noocaas ah uu u ogolaado Israa’iil inay dib u bilowdo dagaalka ilaa laga gaarayo dhammaan ujeedooyinkooda.

Waxaa jira warar sheegaya in madaxa sirdoonka gudaha ee Israa’iil, Ronen Bar, uu u duulay Masar si uu u sii wado wadahadallada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabbad-joojin ah oo dhex mara Israa’iil iyo Xamaas.

Related posts

Kenya Oo Madaxwayne Ku Xigeen Cusub Loo Magacaabay Ka Dib Markii Xilka Laga Qaaday Madaxwayne Ku Xigeenkii Hore

Abdiaziz Bnnstaff

Ukraine oo NATO kala hadleysa cabsida ay ka qabto hubka casriga ah uu Ruushka lasoo baxay

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Cirro ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay bilowga dhismaha Waddada Baligubadle – Hargeysa .

Abdiaziz Bnnstaff